Barcelona oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Mallorca oo ay booqatay

0
171

Baladweyne (Radio Beerlula)- Barcelona ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Mallorca oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Daqiiqadii 20-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay ciyaarta weeraryahankooda koowaad ee Lewandowski, waxaana ka caawiyay Ansu Fati.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Mallorca oo ay booqatay, Barca ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay si ku meel gaar ah hoggaanka ugu qabatay kala sarreynta horyaalka Spain iyada oo leh 19 dhibcood.