Barcelona oo guul weyn kasoo gaartay Eibar

0
284

Baladweyne(Radio Beerlula)- Barcelona ayaa guul weyn oo muhiim u ah kasoo gaadhay dhigeeda Eibar kulan ay dhammaan shabaqa soo wada taabteen saddexleyda weerar ee Luis Suarez, Lionel Messi iyo Greizmann.

Kulankan ayaa ahaa mid ay saddexleydaasi dhammaan qaab waxan soo muujiyeen gaar ahaan Greizmann oo saamayn guud lahaa waxaana ay haatan hoggaanka si kumeel gaadh ah hoggaanka ugala wareegeen Real Madrid.

Kulankan ayaa ku bilawday qaab ay sidii la filayay inta badan kubadda haysato kooxda martida ahayd ee Barcelona walow aysan Eibar ka dhicin Barca dhinaca fursadaha daqiiqadihii ugu horreeyay ee ciyaarta.

Suarez ayaa horraantii kulankan isku dayay inuu kubad 35 Yard u jirta ku toogto goolka Eibar balse darbadiisa ayaan bar-tilmaameed toos ah ku noqonin goolka Eibar.

Eibar ayaa qarka u fuushay inay daqiiqadii 12-aad ee kulankan shabaqa kasoo taabato Barcelona iyo goolhaye Ter Stegen kaddib markii uu Pedro Leon xerada ganaaxa dhexdeeda  kubad dhaw kaga laagay balse waxa ay in yar kor martay birta goolka

Ciyaartan ayaa ku so dhamaatay 3-0 oo aay ku badisay  Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here