Barcelona Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Almeria.

0
136

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Almeria kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Barcelona u soo gashay sidii ay 10 dhibcood ugu qaban lahayd horyaalka La Liga.

Laakiin Almeria ayaa qarxisay lama filaan kadib markii ay garaacday hogaamiyayayaasha horyaalka La Liga ee Barcelona.

Kooxda Almeria ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah sidoo kale daafac ku jirtay xilli ay Barcelona u ogolaadeen in ay kubada haystaan.

Daqiiqadii 24-aad ayay Almeria dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxnaa u dhaliyay Xiddiga El Bilal Toure kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Barcelona ayaa wax walba u samaysya sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha xilli ay Almeria si waali ah u difaacatay goolkeeda.

Qaybta dambe ayay Barcelona sii waday raadinta goolalka waxana ay sii wadeen weerarada aan kala joogsiga ahayn.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Almeria xilli ay Barcelona ku fashilantay in ay sii dheeraysato hogaanka La Liga.