Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Barcelona ayaa hal tallaabo u jirta hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, kadib markii ay guul 4-3 ah ka gaartay Real Madrid kulankii El Clasico ee wareegga 35-aad, oo ka dhacay garoonka Montjuïc.
Barcelona ayaa haatan hoggaaminaysa kala sarreynta La Liga iyadoo leh 82 dhibcood, taas oo ka dhigaysa inay 7 dhibcood ka sarreyso Real Madrid oo ku jirta kaalinta labaad, haysatana 75 dhibcood.
Kooxda Catalan-ka ah waxaa u harsan 3 kulan oo ay la ciyaari doonaan Espanyol, Villarreal, iyo Athletic Bilbao. Barcelona waxay u baahan tahay kaliya 2 dhibcood oo ka mid ah 9-ka dhibcood ee u haray si ay si rasmi ah ugu guuleysato horyaalka.
Haddii sidaas dhacdo, Barcelona waxay hanan doontaa horyaalkii 28-aad ee taariikhdooda, waana markii ugu horreysay ee ay ku guuleystaan tan iyo xilli ciyaareedkii 2022/2023.