Barcelona Oo Iibisay Ciyaartoygii Koowaad Ee Suuqa January iyo Xiddigaha Kale Ee Albaabka Camp Nou Ka Baxaya

0
114

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona oo la daalaa-dhacaysa duruufo dhaqaale, isla markaana uu dhowaan madaxweynaha LaLiga ee Javier Tebas uu fagaare ka sheegay, inay qasab tahay inay mushaharka ciyaartoydeeda ka dhinto €200 milyan oo Euro si ay uga badbaado ganaax iyo inay jabiso sharciga dhaqaalaha, ayaa waxa laga doonayaa inay dersin ciyaartooyo ah suuqa dhigto.

Xiddiga da’da yar ee reer Spain ee Ansu Fati oo hore loogu arkayay inuu yahay mustaqbalka kooxda, isla markaana uu aabbihii cadho kula dhacay Barcelona iyo labada ciyaartoy ee kale ee Ferran Torres iyo Raphinha ayaa sheegay inay yihiin kuwa ay kooxdu ka fiirsanayso inay iibiso si ay iskaga fudaydiso duruufaha dhaqaale.

Laakiin waxa jira ciyaartoy kale oo ka horreyn doona oo mar horeba heshiisk aiibkiisa meel lasii dhigay, waana difaaca reer France ee Clement Lenglet oo si rasmi ah ugu wareegi doona kooxda uu hadda amaahda ugu maqan yahay ee Tottenham Hotspur.

Lenglet oo sannadkii 2018 ay Barcelona €35 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Sevilla, ayaa ka baxay safka kooxda, inkasta oo uu xilli ciyaareedkiisii koowaad horyaalka LaLiga kula guuleystay waqtigii tababare Ernesto Valverde.

Bishii January ayaa amah loogu diray Tottenham, waxaana la sheegay in labada kooxood ay hadda ka wada xaajoonayaan dhamaystirka heshiiska ay kula kala wareegayaan Lenglet oo ay da’diisu tahay 27 jir, waxaanay wararku sheegayaan in heshiiskiisa lagu dhamayn doono €14 milyan oo Euro oo ay bixin doonto Tottenham.

Mustaqbalka Barcelona ee Leneglet ayaa waxa uu gabaabsi noqday markii uu Xavi Hernandez difaciisa dhexe u doortay Andreas Christensen, Ronald Arauujo iyo Jules Kounde, iyadoo uu Eric Garcia yahay ciyaartoyga afraad ee booskaas u fadhida.