Barcelona Oo Ka Guuraysa Garoonkeeda Camp Nou Iyo Halka Ay Ku Ciyaari Doonaan Sannadka Dambe

0
237

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa albaabada u laabaysa garoonkeeda Camp Nou oo ay ka maqnaan doonto xilli ciyaareedka dambe oo dhan, iyadoo dibu-habayn iyo casriyeyn lagu samayn doono garoonkan guunka ah.

Barcelona ay agaadhay go’aankan markii ay boodhka maamulka ee kooxdu Khamiistii ansixiyeen qorshahan oo uu soo dejiyey Joan Laporta.

Mashruuc loogu magac-daray Espai Barca ayay ansixiyeen maamulka Barcelona si dibu-dhis loogu sameeyo garoonkan, waxaana maalgelin doona shirkadaha iyo bangiyada Maraykanak ee Goldman Schs iyo JP Morgan oo ku kharash garayn doona lacag gaadhaysa ÂŁ1.3 bilyan oo Gini.

Sida uu qoray wargeyskaTheAthletic,, shirkadaha Maraykanka ah ayaa heshiis la gaadhay Barcelona oo ay ku maalgelinayaan dhismaha groonkan, waxaana heshiiska lagu dhawaaqi doonaa 24ka saacadood ee soo socda.

Khamiistii, Barcelona ayaa sidoo kale u sheegtay maamulka magaalada ay ka dhisan tahay ee Barcelona iyo xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, in kulamadii ay ku ciyari lahaayeen Camp Nou loogu qoro garoonka Estadi Lluis Companys oo ay ku ciyaari doonaan xilli-ciyaareedka dambe ee 2023/24.

Garoonkan ay u guurayso Barcelona ee Estadi Lluis Companys ayaa waxa uu ku yaallaa Montjuic oo ah buur weyn oo ku taalla dhinaca Koonfur-Bari ee badhtamaha magaalada Barcelona, waana garoonkii martigeliyey ciyaaarihii olombikada ee sannadkii 1992kii, waxaanu qadaa 55,000 qof.

Barcelona ayay u noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay ka maqnaato garoonkeeda Camp Nou tan iyo sannadkii 1957kii.