Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mustaqbalka Joshua Kimmich wuxuu u muuqdaa mid aan la hubin, isagoo u furay albaabka kooxaha xiiseynaya saxiixiisa oo ay ku jirto Barcelona.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Jarmalka, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaan weli go’aan ka gaarin heshiis cusub oo uu u saxiixo Bayern Munich, inkastoo kooxda Bavarian ay jawaab diidmo ah ka heleen 5-tii Janaayo.
Cadeyn la’aanta mustaqbalkiisa ayaa walaac ku abuurtay Bayern, iyagoo Kimmich loo arko xiddiga ugu muhiimsan waqtigaan kooxda Bundusliga.
Gudiga kooxda Jarmalka, waxaa la fahamsan yahay in ciyaaryahanka ay ka warqabaan xiisaha kaga imaanaya kooxaha Premier League iyo Laliga ka dhisan, iyadoo Barcelona si gaar ah loola xiriirinayo saxiixiisa.
Bayern kama jawaabin mushaarka sare ee uu dalbaday ciyaaryahanka khadka dhaxe taasoo u sahleysa inuu dhageysto dalabyada soo gaaraya sida lagu sheegay warbixinta wargeyska Sport.
Manchester City iyo Manchester United ayaa muujinaya sidookale xiisaha ay u qabaan Kimmich, halka PSG ay si dhow ula socoto xaaladiisa.