Barcelona Oo Lacag Waalli Ah Kusoo Qaadaneysa Mid Kamid Ah Xiddigaha Ugu Halista Badan Liverpool

0
240

Baladweyne  (Radio Beerlula )-Barcelona ayaa si xooggan u raadin doonta saxiixa Luis Diaz xagaagan, sida uu werinayo Joaquim Piera oo ka tirsan Diario Sport.

Diaz ayaa noqday xiddiga garabka bidix ee ugu mudnaanta badan agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, Deco, inkasta oo kooxda ay horey u raadineysay Nico Williams.

Tababaraha cusub ee Barca, Hansi Flick, ayaa si buuxda u ogolaaday in kooxda ay dadaal kasta gelin doonto sidii ay uga soo qaadan lahayd Diaz kooxda Liverpool.

Saxiixa Diaz ayaa ugu kici kara Barcelona qiyaastii €75 milyan, balse mushaharkiisu ma noqon doono caqabad, maadaama ciyaaryahanku si weyn u doonayo inuu u ciyaaro kooxda reer Catalonia.

Xiddiga reer Colombia oo 28 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan u dhaliyay Liverpool 17 gool, isagoo sidoo kale bixiyay 8 caawin. Wuxuu doorbidaa inuu ka ciyaaro garabka bidix.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here