Barcelona oo shaacisay dhaawaca labada ciyaaryahan ee Depay iyo De Jong

0
148

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Barcelona ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku shaacisay in labada ciyaaryahan ee reer Holland Frenkie de Jong iyo Memphis Depay ay dhaawacmeen intii lagu jiray fasaxii kulammada caalamiga ahaa ee xulka qaranka Netherlands.

Warkan ayaa xaalada ku sii xumeynaya kooxda Barcelona, kaddib markii ay horey uga dhaawacmeen labada ciyaaryahan ee kale Ronald Araújo iyo Jules Koundé intii lagu guda jiray kulammada caalamiga ee dhawaan la ciyaaray.

Barcelona oo war rasmi ah ay ku dabaacday website-keeda waxay ku sheegtay in baaritaanada lagu sameeyay ciyaartoyda lagu xaqiijiyay in mid walba uu ka dhaawacmay muruqa bowdada lugta bidix.

Shaqaalaha caafimaadka Barcelona ayay ku xirnaan doontaa inay go’aamiyaan muddada maqnaanshaha labada ciyaaryahan ayna go’aamiyaan qorshaha daaweynta si loo xaqiijiyo soo laabashadooda sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay wajihi doonto kooxo adag xilliyada soo aadan, horyaalka La Liga iyo Champions League, kahor inta uusan bilaaban koobka adduunka bisha November.

Bisha October, Barcelona ayaa laba jeer la ciyaari doonta Inter Milan tartanka Champions League, kahor intaysan ku wajahin horyaalka La Liga kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid 16-ka October garoonka Santiago Bernabeu.

Xavi ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto inay si dhaqsi ah u soo kabtaan ciyaartodiisa si aysan saameyn ugu yeelan qaab ciyaareedka kooxda oo ku bilaabatay si wanaagsanxilli ciyaareedkan.