Barcelona Oo Shaacisay Qiimaha Lagu Burburin Karo Heshiiska Frenkie de jong

0
118

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Warbixin uu daabacay Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in Frenkie De Jong uu dhammeystiray oo saxiixay dhammaan dukumiintiyada la xiriira heshiiskiisa cusub ee FC Barcelona.

Heshiiska cusub ee De Jong ayaa socon doona ilaa 30-ka Juun, 2029, iyadoo qodobka lagu burburin karo lagu sheegay inuu yahay €400 milyan.

Xiddiga reer Holland ayaa heshiiskiisii hore ku ekaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana Barcelona ka walwalsaneyd inay bilaash ku lumiyaan.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in mushaharka De Jong loo qaybiyay sannadaha heshiiskiisa cusub, taasoo ka caawin doonta Barcelona dhinaca xisaabaadka maaliyadeed.

Arrintan ayaa soo afjareysa khilaafkii iyo wararkii been abuurka ahaa ee ku saabsanaa mustaqbalkiisa, iyadoo De Jong – oo 28 jir ah – marar badan diiday inuu ka tago kooxda inkasta oo ay jireen dalabyo badan oo soo jiidasho leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here