Barcelona Oo Shaacisay Saxeexeedii Afraad Ee Suuqa Xagaagan & Booskiisa

0
106

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kusoo guuleysatay horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa halkeeda kasii wada isku xoojinta xilli ciyaareedka cusub iyadoo maraysa saxeexeedii afraad ee suuqa xagaagan.

Barcelona ayaa hore ula saxeexatay khabiirka khadka dhexe ee Ilkay Gundogan, khabiirka daafaca dhexe ee Inigo Martinez iyo da’yarka weerarka dhexe ee Vitor Roque.

Saxeexa haatan ay Barca iclaamisay ayaa ah khadkii dhexe ee kooxda Girona ee Oriol Romeu oo u noqonaya bedelka kabtankeedii Sergio Busquets.

Barcelona oo hore u sheegtay in waxa ugu muhiimsan ee ay suuqan ka samayn doontaa yahay saxeexa bedelka Busquets ayaa awoodi wayday dhaqaale ahaan inay u dhaqaaqdo bartilmaameedyadeedii asaasiga ahaa ee booskaas iyagoo bedelkooda doortay Romeu oo qiimo jaban.

Oriol Romeu oo kasoo baxay kuliyada da’yarta Barcelona ee La Masia ayaa heshiis saddex sano ah oo ilaa 2026 ah qalinka ugu duugay kooxdaas.

Image