Barcelona oo Si Lama Filaan Ah Ula Wareegeysa Xiddiga Haatan ugu Fiican Serie A

0
120

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Rafael Leao, xiddiga da’da yar ee Milan, ayaa mar kale usoo muuqday bartilmaameedka Barcelona ee suuqa kala iibsiga.

25 jirkaan Bortuqiiska wuxuu xoojiyay doorkiisa, isagoo ah mid ka mid ah garbaha weerarka ee ugu sameynta badan Yurub, taasoo dib u soo celisay xiisaha Blaugrana.

Barcelona ayaa markale u garaacday albaabka Rafael Leao oo ka tirsan kooxda AC Milan si loogu xoojiyo kooxda Hansi Flick.

Laacibka reer Portugal ayaa muhiim u ah shaxda Rossoneri, xawaaraha uu ku ordo, xirfadiisa cajiibka ah iyo awoodiisa gooldhalin ayaa qeyb ka ah waxyaabaha soo jiitay Barcelona.

Ma ahan markii ugu horeysay oo kooxda reer Catalan ay xiiso u muujiso xiddigaan, laakiin hadda si dhab ah ayay ugu yaboohi doonaan heshiis qaali ah suuqa xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, Milan ma rabto inay iska fasaxdo xiddigeeda, iyada oo aan helin qiimaha saxda ah ee suuqa.

Qandaraaska Leao ee kooxda reer Talyaani waxaa ku jira qodob lagu burburin karo qandaraaskiisa, waana caqabad ay Barcelona ku wajihi doonto saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here