Barcelona oo si sahlan saddexada dhibcood kaga soo heshay kooxda Cadiz oo ay booqatay

0
147

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa saddexada dhibcood ka soo heshay kooxda Cadiz oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Cadiz iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Frenkie de Jong.

66 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Lewandowski ayaa wuxuu ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Ansu Fati oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Lewandowski ayaa daqiiqadii 86-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

90 + 2 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Dembele oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Lewandowski ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay Barcelona, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-4.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-4 ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Cadiz oo ay ku booqatay Estadio Nuevo Mirandilla.