Baledweyne ( Radio Beerlula )-Barcelona ayaa wajahday kooxda Borussia Dortmund kulan xasaasi ah oo ka tirsan Champions League.
Muran xoogan ayaa markale ka dhashay safka hore ee Barcelona ee Borussia Dortmund qeybtii hore la dhaafi waayay barbaro goolal la’aan ah.
Taageerayaashu waxay si weyn u dhaleeceeyeen go’aankii uu tababare Hansi Flick ku qaatay in Iñaki Peña uu goolka kusoo bilowdo markale, halkii uu Szczesny oo khibrad u leh tartankaan keydka iska fadhiyo.
Kulanka oo qeybta labaad xamaasad gaar ah lahaa waxaa hogaanka qabtay Barcelona oo marti aheyd, ninka maalmahaan ay u shidan tahay ee Raphinha ayaana gool dhaliyay.
Laakiin Borussia Dortmund oo marti loo ahaa, waxay kusoo barbareysay ciyaarta rigoore uu dhaliyay weeraryahanka Guarssy.
Barcelona oo ay guul ka go’aneyd kulankaan ayaa markale waxaa hogaanka siiyay F. Torres, laakiin markale waxaa barbareeyay Guarssy.
Dhamaadka kulanka Barcelona waxay heshay goolka barbaraha ah, waxaana markale shabaqa gaaray Torres oo ciyaarta ka dhigay 3-2 oo ay ku badisay Barcelona.
Barcelona Raphinha ayaa dusha ku sida
Raphinha ayaa haatan si toos ah ugu lug yeeshay goolal ka badan ciyaaryahan kasta oo ka ciyaaraya Champions League xilli ciyaareedkan:
◎ 6 ciyaarood
◉ 6 gool
◉ 2 caawin
Waxa uu noqday ciyaaryahankii 5-aad ee kala duwan ee 25 gool ku lug yeesha shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub iyo tartamada UEFA xilli ciyaareedkan.
Xiddigaan garabka weeraka ka ciyaata wuxuu sameeyay xili ciyaareedkaan soo kabasho weyn, isagoo si lama filaan ah ugu soo baxa ciyaayahanka ugu muhiimsan ee Barcelona waqtigaan