Barcelona Oo U Soo Gudubtay Semi-Finalka Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen 10 Xiddig Oo Real Sociedad Ah

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )- Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirsay wareega afar dhamaadka Copa del Rey ka dib markii ay guul 1-0 ah ka gaareen 10 xiddig oo Real Sociedad ah kuwaasoo casaan qaatay qeybtii hore ee ciyaarta.

Gool uu qeybtii labaad dhaliyay Ousmane Dembele ayay Barcelona kaga talaabsatay kooxda Real Sociedad ciyaar adkeyd oo labada kooxood ku dhexmartay garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa si dardar leh ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Ousmane Dembele abuuray fursadii ugu horeysay halka Barca laga diiday gool offisde ahaa daqiiqadii 11aad ee ciyaarta.

20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta Ousmane Dembele ayaa argagax ku riday kooxda Real Sociedad isagoo abuurayay fursado isku xigxiga islamarkaana soo qaadayay weeraro joogta ah.

Real Sociedad ayaase heshay fursad gool loo fishay daqiiqadii 30aad markii Take Kubo uu birta ku garaacay kubad gantaal aheyd.

Daqiiqadii 39aad Real Sociedad waxaa casaan ka qaatay Brais Mendez kaasoo qalad xun ku galay Sergio Busquets. Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Barcelona ayaa ugu danbeyn ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 52aad markii Jules Kounde uu kubad u dhigay Ousmane Dembele kaasoo ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Alex Remiro.

Daqiiqadii 59aad Real Sociead waxaa gool ka qasaariyay Alexander Sorloth kaasoo u baahnaa kaliya inuu shabaqa ku taabto kubad gool loo soo hordhigay.

Daqiiqadii 68aad Barcelona waxaa soo martay fursad ay gool labaad ku dhalin kareen markii Dembele uu kubad u dhigay Gavi kaasoo isna birta garaacay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Barcelona ku dubatay Real Sociedad waxayna u soo gudbeen semi-finalka Copa del Rey.