Barcelona oo war cusub ka soo saartay go’aankeeda ku aadan iney hesho badelka Luis Suárez

0
471

Baladweynne(Radio Beerlula)- Barcelona ayaa la fahansanaa inay dooneysay lasoo saxiixashada weeraryahan cusub si ay kaga dhigato badelka Luis Suárez oo dhaawac dartiis kaga maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aan ku gaartay inaysan la soo saxiixan weeraryahan cusub, si loogu xoojiyo dhanka weerarka ee Blaugrana kulamada ay ka ciyaarayaan qeybta labaad ee xilli ciyaareedkan.

Catalunya Ràdio ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday fiidnimadan caawa ee khamiista ah in Barcelona aysan la soo saxiixan doonin weeraryahan cusub saacadaha ka harsan suuqa kala iibsiga ee bishan Janaayo.

Garoonka Camp Nou ayaa lala xiriirinayay magacyo dhowr ah bishan Janaayo gaar ahaan weeraryahanka kooxda kubadda cagta Valencia ee Rodrigo Moreno, laakiin wadahadalada ayaa waxay ku dhamaadeen qaab fashil ah.

Barca ayaa doorbideysa inay sugto ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka si ay u la soo wareegto weeraryahan awood badan oo heshiis waqti dheer ah si uu u noqdo badelka mustaqbalka fog ee Luis Suárez, halka ay ka sameyn laheyd heshiis amaah ah ee ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka ah.

Arintan ayaa imaaneysa xili Barcelona ay iska fasaxday adeega Carles Perez kaasoo ku biiray maanta oo khamiis ah kooxda reer Talyaani ee AS Roma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here