Barcelona oo war xun heshay kahor kulanka la wada sugayo ee El Clasico

0
186

Baladweyne (Radio Beerlula) Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa helay war xun oo ku saabsan dhaawaca daafaca reer France ee Jules Koundé, intii lagu guda jiray ka qayb galka dalkiisa ee kulankii Austria ay la ciyaareen xalay oo Khamiis ah, ee tartanka UEFA Nations League.

Jules Koundé ayaa laga saaray garoonka kaddib 22 daqiiqo kaliya oo ciyaarta lagu bilaabay kaddib markii uu darreemay xanuun dhanka muruqa ah.

Sida laga soo xigtay raadiyaha “RAC1” ee dalka Spain, dhaawaca daafaca Faransiiska uma muuqdo mid wanaagsan, wax walbana waxay muujinayaan inuu jiro dhaawac daran oo dhanka muruqa ah, sidaas darteed wuxuu ka maqnaan doonaa ka qaybgalka kulammada Barcelona dhowr toddobaad.

Barcelona's Jules Kounde forced off injured during France clash - Barca  Blaugranes

Wararka ayaa waxay intaas ku dareen in Jules Koundé uu ku laaban doono Barcelona saacado gudahood, si uu baaritaan caafimaad u maro oo loo ogaado inta uu le’eg yahay dhaawaciisa, wax qiimeeyn ah lama sameyn doono illaa ay ka soo baxdo natiijada baaritaanada caafimaad, laakiin ma jirto wax rajo ah oo ka timid dhanka Barcelona.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Koundé ay u badan tahay inuu ka maqnaado kulanka El Clasico ee ay la ciyaarayaan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid, kaasoo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu, 16-ka October.