Barlamaanka Australia oo meelmariyey sharci carruurta ka mamnuucaya Baraha Bulshada.

0
43

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Australia ayaa ka mamnuuci doonta carruurta ka yar 16 sano inay isticmaalaan baraha bulshada, ka dib markii baarlamaanka dalka uu ansixiyay sharciyada ugu adag ee adduunka.

Mamnuucidda, oo aan dhaqan galeyn ugu yaraan 12 bilood, ayaa laga yaabaa in shirkadaha tiknoolajiyadda lagu ganaaxo ilaa $50 milyan ama ($32.5 milyan milyan) haddii aysan u hoggaansamin.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Anthony Albanese, ayaa sheegay in sharcigan loo baahan yahay si uu uga ilaaliyo dadka da’ada yar”dhawacyada” Baraha Bulshada.

Laakiin dhaleeceeyayaasha ayaa sheegay in su’aalaha ku saabsan sida mamnuuciddaasi u shaqeyn doonto – iyo saameynta ay ku yeelan doonto xogta gaarka ah iyo xiriirka bulshada – ay tahay midana wali laga jawaabin.

Tani maahan isku daygii ugu horreeyay ee caalamiya ah ee lagu xaddido isticmaalka baraha bulshada ee carruurta.

Sharcigu si gaara uma cadaynayo kuwa ay yihiin baraha la xanibi doono, basle go’aankaas waxaa dib ka gaari doona wasiirka isgaarsiinta kaas talo ka raadsanaya guddiga eSafety, oo maamula internerka islaamarkana dhaqan galiya sharciyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here