Barlamaanka Iiraan oo ansixiyay sharci cusub oo ciqaabaya haweenka xijaabka diida.

0
53

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Baarlamaanka Iran ayaa meel mariyay sharci lagu kordhinayo ciqaabta ay la kulmayaan haweenka ku xadgudba xeerka labiska Islaamka ee dalkaas.

Waxay wajihi doonaan ilaa toban sano oo xabsi ah.

Sida ku cad sharciga cusub,qof kasta oo haween ah oo loo arko inay jebisay xeerka lebbiska ayaa la kulmi doontaa xukunnada ugu adag.

Qof kasta oo lagu helo isagoo ku jeesjeesaya xijaabka baraha bulshada ama warbaahinta ayaa sidoo kale la ganaaxi doonaa.

Bilihii la soo dhaafay mas’uuliyiintu waxay kordhiyeen tillaabooyin lagu dhaqan gelinayo xeerka lebiska.

Waddooyinka, iyo goobaha dadweynaha ayaa lagu rakibay kaamirooyinka ilaalada.