Barnaamij lagu sheekeysto oo laga soo saaray shiinaha oo dunida qabsaday.

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Barnaamijka lagu sheekeysto ee garaadka macmalka ah ka shaqeysiiyo ee chatbot oo ay soo saartay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee DeepSeek ayaa durba noqotay app-ka lacag la’aanta ah ee loogu soo degsasho badan yahay Apple store, kadib markii lagu sii daayay suuqa Mareykanka bishan Janaayo.

Caannimada degdegga ah ee app-kan, iyo sidoo kale qiimeyaasha hooseeya ee la soo sheegay ee DeepSeek marka la barbardhigo kuwa shirkadaha garaadka macmalka ah ee Mareykanka daggan, waxay ku ridday suuqyada maaliyada hubanti la’aan badan.

Dhaqaaleyahanka Silicon Valley ee lagu magacaabo Marc Andressen ayaa u hambalyeeyay DeepSeek maadaama ay tahay buu yiri “mid ka mid ah guulaha ugu cajiibsan” garaadka macmalka ah.

Shirkaddu waxay sheegeysaa in moodalladeeda garaadka macmalka ah ee AI ay la siman yihiin moodallada hormuudka ah ee shaqadaan ee gudaha Mareykanka – sida ChatGPT – ayadoo lagu hagaajiyay qeyb un ka mid ah qiimihii ay ku kaceen.

Cilmibaareyaal ka dambeeyay app-ka ayaa sheegay in lagu bixiyay 6 malyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here