Barnaamijka codka lagu bedelo oo jahawareer ka dhax abuuray baraha bulshada Suudaan.

0
70

Baladweyne (Radio Beerlula)- Olole loo isticmaalayo garaadka macmalka ah oo loo ekeysiinayo Cumar al Bashiir, hogaamiyihii hore ee Sudan ayaa barta TikTok ka helay boqolaal kun oo daawasho, kaasoo jahawareer xagga internetka ah abuuray dalkaas uu dagaalka sokeeye halakeeyey.

Akoon aan la shaacin cidda ku qoran ayaa tan iyo bishii Agoosto soo galinayey wax lagu sheegay inuu yahay “duubitaan la soo dusiyey” kaasoo ah madaxweynihii hore.

Kanaalka ayaa soo dhigayey qaybo gaagaaban – laakin codku been abuur ayuu ahaa.

Al Bashiir oo lagu eedeeyey inuu abaabulayey dambiyo dagaal, milaterigana uu xukunka ka tuuray 2019, ayaa fagaarayaasha lagu arkin muddo sannad ah, waxaana la rumaysan yahay inuu aad u xanuunsanayo.

Wuxuu beeniyey inuu galay dambiyo dagaal.

Arrimaha aan la garanayn ee ku gadaaman halka uu ku dambeeyo ayaa hubaal la’aan sii geliyey dalkaas xasaraddu ka taagan tahay.

Ololayaasha noocan oo kale ah ayaa ah kuwo muhiim ah, ayagoo muujinaya sida qalabkan oo kale uu si raqiis ah oo dhakhsiyo leh ugu dhex faafin karo macluumaadka been abuurka ah baraha bulshada sida ay sheegayaan khubarada.