Barnaamijka Kaalmee kuwaan oo labaatan kun oo dollar ku wareejiyay shirkada Dhiseysa masjid ku yaalla Burco.

0
169

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Barnaamijka Ololaha kaalmee kuwan samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa 20,000 Doolar ku Wareejiyay shirkada dhismaha Samawanaag oo gacanta ku haysa dhismaha Masjidka Muscab Ibnu Cumayr iyo madaraso laga dhisayo Xaafada Nafaqo ee Magaalada Burco

Waxa ka qeyb galay madasha lagu warejinayey lacagta mas’uuliyiinta shirkada dhismaha samawanaag iyo qaar kamid ah bulshada xaafada Nafaqo ee Magaalada Burco.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi.