Baladweyne (Radio Beerlula)- Barnaamijka PC EXCHANGE oo ah app lacago badan laga sameeyay Soomali badanna aay ku jiraan ayaa la xeray qeybta lacag la bixista.
Arinkaan ayaa waxaa walaac xoogan kala kulmay dadkii ku jiray oo lacago badan sugayay halka kuwa kalana aay maal gashteen xili ciladdan aay timid.
Sida horay loo arkay Barnaamijyadii lagu dhacay dad badan ciladda ugu horeeysa ayaa ahaa jirtay in la xero lacag bixinta dadkana lagu wargeliyo ineey sugaan 24 saac iyadoo markaas wixii ka dambeeyay aay hawada ka bixi jireen Barnaamijyadaaasi ,
Lama oga isbadalka dhici doona saacadaha soo socda .
Xubnaha maamulka groupyada telegram ka ee maamulaya app kaan ayaa ilaa hadda laga helin wax jawaab ah oo ku saabsan ciladdan.
Soomaalida ku jirta Group ka telegram ka ee lagu mideeyay dadka maalgeshtay appkaan ayaa is dhaafsanaya sida xaalku yahay iyo waxa cusub.
Qaar kamid ah dadka ku jira appka ayaa sheegay in ciladda aay ku koobantahay wixii lacag bixin sameeyay 11 bishaan halka dadka 12 bishan sameyay lacag bixinta aay soo gaartay in kasta oo aanan la heeynin dad badan oo helay marka laga soo tago hal ruuux.
Nidaamka lacag la bixista ayaa lagu cadeeyay gudaha appka iyadoo suura gal lagu sheegay in qofka ugu yaraan 24 saac ay lacagta kusoo gaari karto hadii uu waayana waxaa uu la xariirayaa maamulka appka mana aha wax cusub oo sharciga u dagsan ayaa sidaaas ahaa .
Markii hore lacag bixinta ayaa lagu heli jiray ku dhawaad sadax saac iyo wixii ka yar.
Ugu danbeyn dadka qaar ayaa abkan ka faa-iday kuwaasi oo lacago waali ah ka helay halka kuwana aay gadaal uga biireen waa qolada ugu daran ee wal-walka dareemay maanta.


