Baladweyne (Radio Beerlula)- TikTok ayaa dib ugu soo laabtay hawada Mareykanka iyadoo 170 milyan oo macmiil u ah oo dalkaas ku nool ay soo dhoweeyeen kadib markii madaxweynaha la doortay Donald Trump uu sheegay inuu soo saari doono amar sare oo ah in bartaasi ay sii shaqeyso marka uu xilka la wareego.
Sabtidii, bartan Shiinaha laga leeyahay ayaa hawada Mareykanka ka baxday kadib markii sharci lagu mamnuucayo oo dhaqan-galay.
Trump, oo hore u taageeray mamnuucidda bartan, ayaa shalay ballan-qaaday inuu dib u dhigi doono dhaqan-galka sharciga.
Shirkadda TikTok oo qiyaastii ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah siisa dadka isticmaalka aaladdaan.