Barta X oo la kulantay weerar dhanka internetka ah.

0
110

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Elon Musk milkiilaha X ayaa sheegay in bartiisa ay la kulantay weerar kaasoo ay ka dambeyn karaan koox si isku duuban u abaabulan ama xitaa dal dhan, ama labaduba.

Wuxuu ku qoray barta X Waxaa jiray weerar wayn oo dhanka internet-ka ah oo ka dhan ah X.

Waan la kulannaa weerarro maalin kasta, laakiin kan wuxuu ka imanayaa meelo kala duwan oo badan. Waxaa ka dambeyn kara koox si aad u abaabulan ama dal dhan, wuxuuna intaa raaciyey in ay baadhitaan wadaan.

Waxaa jiray cilado ka jira barta X galabta, iyadoo dad badani aysan awoodin inay galaan. In ka badan 40,000 oo qof ayaa soo sheegay in aysan awoodayn in ay galaan akoonadooda, sida ay muujisay xogta laga helay mareegta la socota ciladaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here