Baskii Kooxda Real Madrid oo Shil galay

0
78

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Baskii kooxda Real Madrid dib ugu soo celinayay Madrid kadib kulankii ay ku ciyaareen garoonka Liverpool ayaa galay shil yar oo taraafig ah xilli uu ku socdaalayay waddo mashquul badan.

Sida laga soo xigtay muuqaalo dhowr ah oo laga duubay goobta shilka, baska ayaa si fudud ugu dhacay dhabarka dambe gaari xamuul ah.

Sawirka gaariga cad ee ay ku xardhan yihiin astaanta naadiga Real Madrid ayaan wax shaki ah ka galin dadka goobta kusugnaa.

Nasiib wanaag, shilku ma keenin wax dhibaato ah, qasaaraha ugu badan ayaa ah inuu jabay mid ka mid ah nalalka hore ee baska ay saarnaayeen ciyaartooyda Real Madrid, iyadoo aan la soo sheegin waxyeelo shaqsiyadeed.

Dhacdadan ayaa dib u dhac yar ku keentay safarkii dheeraa ee in ka badan 2,000 oo kiilo mitir qaatay oo ay ugu kala gudbeen magaalooyinka Liverpool iyo Madrid kaas oo darawaladu qorsheeyeen in uu qaato ilaa 20 saacadood.

Sida caadada u ah safarka kooxda, baska Real Madrid ayaa ka soo laaban jiray caasimadda England ka dib ciyaarta Champions League halkaas ay ku ciyaaraan.

Safarrada dhaadheer ee noocan oo kale ah ayaa halis badan leh, naadiga cadaanka ah ayaa had iyo jeer waxay ku safraan baskooda caanka ay, oo ay masuul ka yihiin koox darawalo ah oo ay kooxdu leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here