Bayern Munich oo ku dhawaaqday saxiixa Mané

0
166

Baladweyne (Radio Beerlula)-Bayern Munich ayaa dhameystirtay heshiiska Sadio Mané, oo kaga yimid Liverpool, kaddib wadahadalo adag oo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore soo biloowday.

Kooxda reer Germany ayaa bayaan rasmi ah oo ay soo dhigtay website-keeda ku shaacisay maanta oo Arbaco ah in Mane u saxiixay heshiis 3 sano ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa shalay oo Talaado ahayd gaaray dalka Jarmalka si uu u maro baaritaanno caafimaad, kaasoo uu ku guuleystay, ka hor inta uusan u saxiixin qandaraaskiisa kooxda heysata horyaalka Bundesliga.

Sadio Mané ayaa soo gabagabeeyay safarkiisii Anfield oo uu ku sugnaa tan iyo 2016, wuxuuna kula guuleystay koob ay ka jiraan Champions League, Premier League, FA Cup, League Cup, FIFA Club World Cup iyo UEFA Super Cup.

Heshiiska Mane ayaa Bayern Munich waxay ku soo gabagabeysay qiimo dhan £35.1 milyan oo Gini, oo ay kaga soo qaadatay wareegtay Liverpool, waxayna wararku sheegayaan in toddobaadkii mushaar ahaan u qaadan doono £400,000 Euro, taas oo aad uga badan intii uu ka qaadan jiray Liverpool oo ahayd £100,000 usbuucii.