Bayern Munich oo shaacisay mudada uu maqnaanayo Lewandowski

0
254

Baladweyne (Radio Beerlula)-Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa la hubaa inuu seegi doono kulanka wareega siddeed dhamaadka Champions League oo ay la ciyaari doonaan naadiag Paris Saint-Germain.

Robert Lewandowski ayaa dhaawacmay intii lagu guda jiray ka qeybgalkiisa xulka qaranka Poland ee kulammada isreeb-reebka koobka aduunka ee 2022, waxaana laxaqiijiyay inuu ka maqnaanayo kulanka Paris Saint-Germain ee Champions League.

Bayern Munich ayaa boggeeda rasmiga ah ku shaacisay in Robert Lewandowski uu garoomada ka maqnaan doono muddo afar toddobaad ah sababo la xiriira dhaawac ka soo gaaray jilibka lugta midig, inta uu ku guda jiray waajibaadka kulkiisa qaranka Poland.

Robert Lewandowski ayaa sidoo kale seegi doona kulanka RB Leipzig ee horyaalka Bundesliga ay ku wada ciyaari doonaan Isbuuca dambe, taas oo dhabar jab weyn ku ah kooxda Bavarian-ka, gaar ahaan maadaama uu laacibka marayo maalmihiisii ugu fiicnaa dhowaanahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here