Benjamin Sesko Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Uu United Kusoo Kordhin Karo Xilli Ciyaareedka Cusub

0
183

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka cusub ee Manchester United Benjamin Sesko ayaa soo bandhigay tayooyinkiisa, isagoo sharaxay sababta uu u aaminsan yahay inuu ka fiican yahay weeraryahanka Arsenal Viktor Gyökeres.

Isagoo hadlay ka hor kulanka weyn ee Manchester United iyo Arsenal ee dhici doona Axadda, Sesko ayaa xusay in uu leeyahay xawaare, xoog, laad iyo awood madax, wuxuuna ku sifeeyay naftiisa inuu yahay ciyaaryahan diyaar u ah weerar joogto ah oo had iyo jeer ka faa’iideysta fursad walba oo soo booda.

Sesko ayaa yiri:

“Xawaare, xoog, laad iyo madax. Waxaan ahay nooca ciyaaryahan ee mar walba diyaar u ah weerar, diyaar u ah inuu ka faa’iideysto haddii ay jirto meel bannaan oo gadaal lagaga ordo. Dabcan, haddii la soo dhigo kubbado karoos ah, waa wax aan aad ugu riyaaqo. Waxaan mar walba joogaa halkaas, taasna waa waxa ugu muhiimsan.”

Marka loo eego tirooyinka, dhalinta madax ma aha mid ka mid ah hibooyinka Gyökeres – isagoo 27 jir ah, wuxuu kaliya dhaliyay 4 gool oo madax ah 102 kulan oo uu u saftay Sporting CP.

Labada weeraryahan ayaa la filayaa inay isku arkaan garoonka Old Trafford marka Red Devils ay xilli ciyaareedka cusub martigeliso Gunners. Sesko ayaa usbuucii hore kaga soo biiray United kooxda RB Leipzig, isagoo lagu keenay United adduun dhan £73.7 milyan oo ay ku jiraan lacago gunnooyin ah, waxaana loo dhiibay lambarkiisa uu jecel yahay ee No. 30.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here