Benzema oo ku guuleystay abaal-marinta xidiga ugu fiican Yurub

0
27

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciyaaryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kaddib markii loo caleemo saaray abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican Yurub.

Ciyaaryahanka ugu fiican sanadka Yurub dhanka ragga ayuu ku guuleystay Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Karim Benzema, waxaana uu ku garaacay goolhayaha kooxdiisa ee Thibaut Courtois iyo xiddiga khadka dhexe ee Naadiga Manchester City, Kevin De Bruyne.

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee dlaka Spain Karim Benzema ayaa muujiyay kaddib markii uu ku guulaystay abaal marinta xidiga ugu fiican Yurub, wuxuuna yiri:

“Hadda waxaan ahay 34 sano jir, waxaana u ciyaarayaa sida ugu fiican, Waa run in heer shakhsi ahaaneed, uu ahaa xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfaddayda.”

“Laakiin waxaa jira hal shay oo aan is badalin, waxaan aadaa garoonka oo aan ka fikiraa waxa ay tahay in aan sameeyo si aan ugu guulaysto ciyaarta, waxa aan ka fikiraa kooxda ee iskama fikiro aniga.”

“Inkasta oo koob kastaa uu leeyahay taariikhdiisa gaarka ah, haddana way cadahay in safarkan Champions League uu ahaa kii ugu adkaa, marka loo fiiriyo 5-kii koob ee tartankan ee aan ku soo guuleystay.”

“Aniga ahaan sidoo kale, wuxuu ahaa tartankii ugu quruxda badnaa marka la eego kulamadii aan soo laabashada ku sameynay sababtoo ah marnaba kama aan quusan.”