Bernardo Silva oo cadeeyay go’aankiisa ku aadan u dhaqaaqista Barcelona

0
220

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay markale rabitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal ee Bernardo Silva inuu ka tago Manchester City oo uu u ciyaaro Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo hor istaagi kara dhameystirka nidaamkan heshiiska.

Barcelona ayaa og in saxiixa Bernardo Silva uusan sinaba u sahlanaan doonin, maadaama uu ku qasban yahay inuu ku qanciyo kooxdiisa Ingiriiska inay sidaas sameyso.

Laakiin Bernardo Silva ayaa u cadeeyay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Barca, taasoo dhibaato ku keeni karta City iyo tababare Pep Guardiola.

Bernardo Silva ayaa qayb muhiim ah ka ahaa kooxda Pep Guardiola xiliciyaareedkii hore, wuxuuna ciyaaray 50 kulan oo rasmi ah, isaga oo dhaliyay 13 gool wuxuuna caawiyay 7 gool kale. Intaa waxaa dheer, qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 2025.

Wararka ayaa sheegaya in Manchester City ay xiddiga ku qiimeyso ugu yaraan 100 million euros, laakiin Barcelona ayaa doonaysa in ay wadahadal la bilowdo iyada oo ku dalbanaysa 40 million euros.

Dabcan Sky Blues ayaa weydiisan doonta lacag intaas ka badan, sidaas darteed shaki la’aan, iibinta Frenkie de Jong ayaa ah midka kor u qaadi kara suurtagalnimada uu Silva ugu biiri karo garoonka Camp Nou.