Biden oo Booqasho ku Tegay Angola

0
46

Baladweyne ( Radio Beerlula)- Madaxweynaha dalkan Mareykanka ee xukunka ka sii degaya Joe Biden ayaa booqashadii ugu horreysay ee isagoo ah Madaxweynaha Mareykanka ah ku tagay dalka Angola.

Booqashada Biden ayaa diiradda lagu saarayay mashruuca horumarinta ee Mareykanku maalgeliyey ee Jidka Tareenka ee loo yaqaan (Lobito rail corridor).

Mashruucan Dhabaha Tareenka oo dhererkiisu yahay 1,300 km wuxuu isku xiraa gobollo hodan ku ah macdanta oo ku yaalla gudaha Afrika iyo deked muhiim ah oo ku taala koonfur-galbeed Angola.

Mareykanka ayaa sheegay inuu mashruucan ku maalgeliyey lacag ka badan $3 bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here