Biden oo wacad ku maray in uusan ka hari doonin tartanka doorashada.

0
106

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan.

Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinki danbe ee shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada.

Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay walwaleen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump.

Laba xubin oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in uusan ka tanazuleyn tartanka doorashada.