Bisado saddex bilood xabsi guri ku jiray oo laga sii deynayo

0
166

Baladweyne (Radio Beerlula)-Bisadaha ku nool magaalada ku taalla Jarmalka ee Waldorf ayaa lagu wadaa in loo oggolaado in ay bannaanka uga soo baxaan guryahooda markii ugu horreysay muddo saddex bilood ah.

Magaaladaas ayaa sidoo kale xarun u ah oo lagu dhaqaa nooc shimbiraha ka mid ah oo loo yaqaano shimbiraha sida bisha u eg -kuwaas oo laa cabsi qabo in ay dabar go’aan.

Bisadaha ayaa lagu eedeynayey in ay dilayeen shimbiraha taas oo keentay in bisadaha guryaha lagu xiro.

Qof kasta oo leh bisad oo bisaddiisa dibedda u sii daaya waxaa lagu xukumayaa ganaax haddii kale waa in in bisadda xarig qoorta uga hayaa.

Xanibaada bisadaha ayaa la qaadayaa marka shimbiruhu dhalaan ukumo ayna fiiqaan muddo xilliyeedkataas oo la macno ah in kuwa yaryar ee dhasha ay qaangaaraan waxana iska celin karaan.