Biyo la’aan baahsan oo ka jirta degmada Wisil iyo deegannada hoostaga.

0
167

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Degmada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug iyo deegannada hoostaga ayaa waxaa xiligan ka jirta biyo la’aan saameysay dadka iyo duunyada kadib markii ceelashii biyaha ay ka cabi jireen ay qaarkood gureen halka kuwa kalana ay ka ciladoobeen matooradii iyo soolaradii lagu soo saari jiray biyaha.

Deegannada ay biyo la’aanta ka jirta ayaa waxaa ku nool in ka badan Shan kun oo qoys oo iskugu jira xoolo dhaqato iyo beeraley, waxana hadda biyaha ay ka doontan deegaanno ka fog.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadam Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here