Biyo xireen ku yaalla dalka Ruushka oo karkaarada jabsaday.

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dowladda Ruushka ayaa ayaa daad gureysay in ka badan 4,500 oo qof oo ku nool gobolka Orenburg ee ku yaalla xuduudda Koonfureed ee Ruushka, ka dib markii uu derbiyada jabsaday biyo xidheen halkaas ku yaallay.

Kooxaha gurmadka degdgegga ah ayaa habeenkii oo dhan ka shaqaynayey sidii u samatabixin lahaayeen dadweynaha ku nool agagaarka biyo xidheenka fatahay, kaas oo ku yaalla meel u dhow magaalada Orsk oo u dhow xuduudda Ruushka iyo Kazakhstan.

Xafiiska warbaahinta ee guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in illaa haatan la samatabixiyey illaa 4,402 qof oo ay ku jiraan 1100 caruur ah, waxaana khasaare soo gaadhay illaa 6,000 oo guri.

Arrintan ayaa timid ka dib roobab xooggan oo halkaas ka da’ayey maalmahan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray wasiirka xaaladaha degdegga ah inuu wax ka qabto xaaladda gobolka.