Biyo xireen laga dhagax dhigay magaalada Kismaayo

0
122

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta maamulka Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa Magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay dhismaha biyo-mareenka xaafada Hormuud Calanley.

Dhismahan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland iyo Dowladda Hoose ee Kismaayo ayaa loogu talagalay in lagu sameeyo biyo-mareen casri ah oo wax ka qaban doona dhibaatada daadadka roobka ee si gaar ah u saameeya xaafadda Calanley.

waxa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here