Bolivia oo Xariirka Diblomaasiyadeed u Jartay Israel iyo dalal kale oo Danjirayaashooda u yeeray.

0
69

Baladwayne( Radio Beerlula )-Dowladaha Chile iyo Colombia ayaa ku dhawaaqay in ay la baxeen danjirayaashoodii u fadhiyay Israel, tallaabadan ayayna ku macneeyeen mid ay uga falcelinayaan duullaanka ciidamada Yuhuudda ay ku leynayaan dadweynaha magaalada Gaza.

Madaxweynaha Chile Gabriel Boric ayaa sheegay in siyaasaddooda arrimaha dibadda ay u taagantahay ilaalinta xuquuqul insaanka tanina ay jawaab u tahay falal gurracan ee ka dhanka ah reer Gaza.

Mudane Boric ayaa jaaliyadda Yuhuudda ee dalkiisa ku nool ugu baaqay in ay dowladdooda cadaadis ku saaraan in ay joojiso dhiigga ay daadinayso iyo dhul-ballaarsiga sharci darrada ku qotoma.

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isagana u yeeray danjirihii dalkiisa u fadhiyay Israel taas oo uu ku muujinayo sida uu uga gadoodsanyahay xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah shacabka Flastiin.

Petro ayaa sheegay in haddii aysan Israel joojinin gowraca dadka Falastiiniyiinta in aysan la sii lahaan doonin wax xariir ah.

Dowladda Bolivia ayaa horay u qaadday iyana tallaabo ay xariirka diblomaasiyadeed uga jareyso Israel iyada oo ka biyo diidsan xadgudubyada ciidamada Yuhuudda ah ay ku hayaan shacabka magaalada Gaza.