Boolis ku daba jira hay’ad samafal oo qaybisay nacnac ay ku jirto maado halis ah.

0
102

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Booliiska New Zealand ayaa ku raadjooga macmacaan uu ku jiraan maaddo halis ah oo lagu magacaabo “methamphetamine” ka dib markii hay’ad samafal ah ay ku qaybisay magaalada Auckland.

Ilaa 400 oo qof ayaa laga yaabaa in nacnacaan uu gaaray xilli Hawlgalka Magaalada Auckland uu qaybniyay xirmooyin cunto ah, sidaas waxaa sheegay hay’adda ka hortagga faqriga hawsheedu tahay.

Nacnaca waxaa ku waxaa si qarsoodi ah ugu deeqay xubin ka mid ah dadweynaha oo, waxa uuna ku ku jiray kartoon afka ka xiran, ayay intaas raacisay hay’addu.

Ugu yaraan saddex qof, oo mid ka mid ah uu ilmo yahay, ayaa tagay isbitaalada kadib markii ay isticmaaleen nancnaca, balse dhamaantood haatan midna kuma jiro isbitaal.

Hay’adda samafalka ayaa ku wargelisay maamulka magaalada Talaadadii ka dib markii qof ka mid ah dadkii isticmaalay nacnaca uu iyaga u sheegay in uu qaatay nacnac “dhadhankiisu layaab leeyahay”.

Helen Robinson, oo ah madaxa fulinta ee Hawlgalka Magaalada Auckland, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda samafalka ay iyagu qudhoodu tijaabiyeen nacnac iyaga oo gartay in cabashada ka timid nacnac ah ay tahay mid gar ah kadib markii dareen “khiyaali ah ay ku dareemeen” nacnaca