Baladweyne ( Radio Beerlula )-Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa soo badbaadiyay 26 muhaajiriin ah oo la rumeysan yahay in ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo afduub loogu haystay guri ku yaala magaalada Johannesburg.
Shan iyo toban kamid ah muhaajiriinta waxa laga helay guri iyagoo qaa qaawan, halka 11 kale oo dhaawacyo yaryar qaba laga helay meel ku dhaw guriga.
Hawlgalka lagu soo badbaadiyay dadkan ayaa ka dhacay habeenimadii Khamiista daafaha waqooyi bari ee magaalada, kadib markii xog laga helay dadka jaarka la ahaa sida boolisku sheegay.
Ugu yaraan Sedex qof ayaa loo xiray kiiskan.
Ma cadda sida muhaajiriintan ay ku yimaadeen dalka Koonfur Afrika balse maamulka ayaa baaraya haddii ay dhibanayaal u yihiin kuwa ka ganacsada tahriibinta.