Booliska Hindiya oo baaraya macalimad ku amartay ardeydeeda inay dharbaaxaan wiil ay isku fasal yihiin oo muslim ah.

0
315

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Booliska Hindiya ayaa baaris ku haya muuqaal la soo galiyay internet ka oo muujinaya macalimad dugsi hoose oo ardeydeeda ka codsanaysa inay dharbaaxaan wiil muslim ah oo ay isku fasal yihiin.

Muuqaalka ayaa laga arkayaa wiilka oo ooyaya, markii la garaacayay.

Dhacdadan ayaa khamiistii laga diiwan galiyay dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaala gobolka woqooyi ee Uttar Pradesh.

Muuqaalka ayaa laga maqlayaa codka macalimadda oo leh “maxaad si jilicsan ugu dhufanaysaan, si adag ugu dhufta.”