Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin qirtay in uu dilay 42 haween ah.

0
68

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku nin qirtay in uu dilay 42 haween ah oo ay ku jirto xaaskiisa.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Collins Jomaisi Khalisia, oo 33 jir ah, waxa uu qirtay in uu dilka geystay laga soo bilaabo 2022-kii isaga oo sheegay in uu si gaar ah u bartilmaameedsanayay gabdhaha qurxoon.

Xariga ninkan ayaa ka dambeeyay kadib markii jimcihii la helay 9 meyd oo laga helay meel qashin qub ah oo ku taal magaalada Nairobi.

Dhacdadan ayaa noqotay mid ay ragagax ku muujiyeen shacabka Kenyanka.