Baledweyne ( Radio Beerlula )-Fanaanada u dhalatay Ingiriiska Jane Birkin ayaa boorso ay sidan jirtay oo ka sameysan maqaar ayaa lagu iibiyay xaraashka $10.1 milyan, waana qiimihii ugu badnaa ee abid lagu bixiyo shandad gacmeed ee warshadaha moodada.
Boorsadan maqaarka madaw ka sameysan ee rikoodhka jabisay ayaa lagu sameeyay Yurub 1985kii.
Fananaadan madaxa ka ahaan jirtay xarunta fashion-ka ee Hermes ayaa awoodi kari waaysay in ay boorasdani ku filnaato maadaama ay aad u yar tahay .
Fanaanada oo geeriyooday sanadkii 2023 iyadoo 76 jir ah ayaa boorsadaasi sidatay muddo toban sano ah ka hor inta aysan ugu deeqin xaraash sanadkii 1994-tii si ay lacag ugu uruuriso hay’ad samafal oo AIDSka shaqeybn jirtay.


