Boortaqiiska oo la tacaalaya dab ka kacay kayn iyo heerkulka oo cirka isku shareeray.

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciidamada dab-damiska Boortaqiiska ayaa la tacaalaya sidii ay u xakamayn lahaayeen dab ka holcaya kumanaan hektar xilli heerkulku cirka iskusii shareerayo.

Ku dhawaad 800 oo shaqaale ah ayaa ka qaybgalay deminta dab ka kacay meel u dhow magaalada koonfureed ee Odemira, iyadoo in ka badan 1,400 oo qof ay ku qasbanaadeen inay barakacaan.

Ugu yaraan sagaal dab-damis ayaa ku dhaawacmay la tacaalida dabka. Heerkulka ka sarreeya 40C (104F) ayaa la filayaa inuu ka dhaco inta badan jasiiradda Iberia toddobaadkan.

Saddex dab oo waaweyn oo gubay boqollaal hektar oo ku yaal Spain dhammaadkii isbuucii hore ayaa la xakameeyay, laakiin digniinaha cimilada ayaa weli ka jira dalka intiisa badan.