Booyado shidaal sida oo ku xaniban xadka labada Suudaan.

0
42

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan laba boqol oo Booyadood oo sida shidaal ayaa ku xaniban xadka dalka Koonfurta Sudan uu la wadaago dalka Sudan kuwaasoo lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee gaadiidkaan loogu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan oo aarrintaan ku saabsan marka laga yimaado in ay amarka soo saartay.

Booyadahan ayaa ku wajahnaa magaalada Abyei ee xadka labada Sudan.

Booyadahaan iyo gawaarida kale ee loo diiday in ay tagaan halkii bartilmaameedku ahaa ayaa markii hore qaarkood ka baxay dalka Kenya, halka qaarka kalena ay ka ambabaxeen magaalada Jubba ee caasimadda Koonfurta Sudan.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa waxaa ka muuqanayay booyado badan oo saf dheer ku jira.