Boqolaal qoys oo danyar ah oo deeq raashin ah loogu qeybiyay magaalada Balcad.

0
83

Baladweyne (Radio Beerlula)-Hay’adda maareynta masiibooyinka Qaranka ayaa in ka badan 500 oo qoys oo ku nool degmada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe u qeybisay deeq raashin ah oo iskugu jirta bariis, saliid iyo Timir taasoo ka timid boqortooyada Sacuudiga.

Qoysaska ka faa’ideystay deeqdan ayaa horey uga soo barakacay abaaraha ka jira dalka kuwaasoo qaarkood ku soo xoolo beelay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan