Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ku dhowaad 1,000 oo maxaabiis oo iskugu jira rag iyo haween ayaa ku biiray safka hore ee la dagaallanka dabka xooggan ee ku faafaya koofurta California gaar ahaan magaalada Los Angeles .
Tirada maxaabiista – oo haatan ah 939 – ayaa qeyb ka ah barnaamij mutadawacnimo oo ay hoggaamineyso Xarunta Dhaqan-celinta ee California.
Tirdooda ayaa sii kordheysay tan iyo Talaadadii, maalinta uu dabka dhimashada sababay uu bilaabay inuu sii faafo.
Ilaa 10,000 oo dhismo ayaa burburay halka 37,000 eekar la gubay, iyadoo kumannaan shaqaalaha gargaarka ay ku sugan yihiin Los Angeles si ay dabka ula dagaallamaan.
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay dabka, sida ay saraakiisha sheegeen.