Borussia Dortmund Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Bundesliga Oo Hal Ciyaar Ka Hadhsan Tahay

0
98

Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga iyadoo hal kulan oo kali ahi uu ka hadhsan yahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, kaddib markii ay 3-0 kusoo garaaceen toban ciyaartoy oo Augsburg ah oo ay ku booqdeen hoygooda WWK Arena.

Xiddiga kasoo kacay xanuunka kansarka ee inta badan jiifay xilli-ciyaareedkan ee Sebastian Haller ayaa lab gool u dhaliyey kooxdiisa Borussia Dortmund qaybtii dambe ee ciyaarta, halka waqti dambena uu gool saddexaad raaciyey Julian Brandt oo qayb weyn ka qaatay goolasha kalena.

 

Borussia Dortmund ayaa ku dabbaal-degtay garoonka WWK Arena maadaama ay la wareegeen horyaalka Bundesliga oo ay koobka hal gacan kusii qabsadeen.

Guusha ay maanta gaadhay Dortmund ayaa ka dhigan, in ay laba dhibcood dhaafeen Bayern Munich oo shalay guul-darro xanuun kulul ay u xambaarisay RB Leipzig, taas oo keentay in ay lumiso hoggaanka horyaalka oo ay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu soo guuleysanaysay.

Horyaalka Bundesliga ayaa ciyaartiisa ugu dambaysa ay kooxuhu dheeli doonaan Sabtida oo dhamaan ciyaaruhu ay isku waqti bilaabmi doonaan, waxaanay Borussia Dortmund u baahan tahay in ay ka badiso Mainz oo ay ku qabbili doonto Signal Iduna Park, si loo guddoonsiiyo horyaalka Bundesliga.

Bayern Munich ayaa iyaduna u baahan in ay ka adkaato FC Cologne sidoo kalena laga badiyo Borussia Dortmund si ay ugu guuleysan karto horyaalka.

Si kastaba  ha ahaatee, horyaalka oo ay si xidhiidh ah ugu soo guuleysanaysay Bayern Munich tobankii sannadood ee ugu damabeeyey ayaa waxa uu hadda gacanta ugu jiraa Dortmund.