Bournemouth oo taako u dhigtay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka Vitality

0
385

Baladweyne(Radio Beerlula)-  Bournemouth ayaa taako u dhigtay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka Vitality, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 2-2 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 33-aa kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Marcos Alonso.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Bournemouth ayaa la dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay  Jefferson Lerma, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ryan Fraser.

Markale daqiiqadii Bournemouth ayaa la timid gool, waxayna hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-1 Joshua King, waxaana goolkan ka caawiyay Jack Stacey.

Laakiin daqiiqadii 85-aad Chelsea ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 2-2 ka dhigay Marcos Alonso.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 2-2 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Bournemouth iyo Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here