Britain oo cunaqabataynta ka qaaday Suuriya

0
109

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Britain ayaa ka qaaday cunaqabatayn ay hore u saartay 24 hay’adood oo Suuriya ah intii uu xukunka hayay hoggaamiyihii hore Bashaar al-Asad.

Dowladda Britain ayaa bishii hore sheegtay in tallaabadaasi ay ka dambeysay ka dib markii hoggaamiyeyaasha cusub ee Suuriya, oo ah jabhado hore u riday xukunkii Asad, ay raadiyeen in ay ku qanciyaan dalalka reer Galbeedka in ay ka tanaasulayaan asalkoodii Jihaadka.

Qaybaha cunaqabataynta laga qaaday waxaa ka mid ah shirkadaha tamarta, gaaska, beeraha, gaadiidka, iyo maaliyadda, iyadoo boqolaal cunaqabatayn ah ay weli saaran yihiin hay’ado iyo shakhsiyaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku soo dhaweysay go’aanka Britain kuna tilmaantay tallaabo la hubo oo dadka Suuriya ka caawin doonta sidii ay u heli lahaayeen gargaar ay aad ugu baahan yihiin, isla markaana gacan ka geysaneysa hannaanka soo kabashada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here